Posts

Arbaciin Af somali Afartan Xadiis

Image
Afartan Xadiith Imaam An-Nawaawi Imam An-Nawawi’s:  Arbaciin Xadiith Turjume:   Cabdulcasiis Xasan Yacquub Qore:  Sheekh Cabdur-Raxmaan Xuseen Samatar Fadlan halkaan waxaad ka  Degsan  kartaa ama aad ka  Daabacan  kartaa Arbaciin Nawwaawi oo Carabi keligii ah. الأربعين النبوية Hordhaca Kitaabka Mahad Allaa leh, naxariistii iyo nabadgelyadii Alle ha ahaadeen Nabigayagii Muxammad kor kiisa, ehel kiisa, asxaab tiisii iyo intii samaanta ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha. Waxaynu ogsoon nahay in labada asal ee loo noqdo si loo fahmo diinta Islaamka , saldhiggana u ah nolosha qofka muslimka ahi inay yihiin Qur’aanka kariimka iyo sunnada dahiran ee nebiga (scw). Midka hore ee ah (Qur’aanka) waa hadalkii Allah (swt); midka labaadna oo ah sunnada ama xadiiska nebiga hadba kan loo yaqaan wa tusaalooyinkii nebiga (scw) ee waajibka ah in la raaco, siduu Allahii casiiska ahaa yiri: “Wixii uu Rasuulku idin siiyana ee amar ah qaata wixii uu idi...